Man City & Arsenal Oo Looga Digay In Ay Seegi Karaan Saxiixa Declan Rice Sabab

0
164

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Harry Redknapp ayaa uga digay Arsenal iyo Manchester City inay labadooduba ku dambayn karaan in ay seegaan saxiixa xiddiga Declan Rice xagaagan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham ayaa dalab 90 milyan oo euro ah ka helay Arsenal iyo Man City laakiin Redknapp ayaa aaminsan in Rice uu mustqbal yeelan karo bariga London.

Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay Rice keeni doonto Emirates Stadium dhowr bilood, iyadoo Mikel Arteta taageero u yahay xiddiga 24 jirka ah.

Arsenal ayaa haatanba laga diiday laba dalab oo uu midkii ugu dambeeyay ahaa 90 milyan oo euro xilli West Ham doonayso lacag dhan 100 milyan oo euro.

Taas ayaa Man City rajo ka siisaxy saxiixa xiddiga iyaga oo dhinacooda dalab Rasmi ah ka gudbiyay saxiixiisa kaas oo dhan 90 milyan oo euro.

Redknapp ayaa qirtay in Rice laga yaabo in ay ka tagto West Ham xagaagan laakiin ma uusan meesha ka saarin fursadaha uu xiddiga khadka dhexe sii joogi karo xilli ciyaareed kale.

“West Ham waa koox weyn oo ilaa 65,000 oo taageere ku leh garoonka. Waxaan arki karaa in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareed kale”.

“Hadii ay West Ham xiddiga u soo bandhigto heshiis cusub oo uu ku qaadanayo mushahar ilaa 250 Gini ah sidoo kale keenaan 3 ilaa 4 ciyaartoy oo waaweyn waxa laga yaabaa in ay ku qanciso in uu sii joogo”.

“West Ham waxa ay ku guulaystay koob xilliciyaareedkii dhamaaday waxana aan jeclaan lahaa in ay sii haystaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here