Magalada Kismaayo Oo Laga Daahfuray Mashruuca Dalkaga Haldoolar Kudhiso.

0
446
Kismaayo(Waamo Radio)Mashruuca dalkaaga Ku dhiso hal-dollar waa mashruuc guuleystay oo horay loogu dhisay waddooyin iyo xarumo badan oo dowladeed kuna yaalla G/banaadir intii uu xilka hayey
guddoomiyihii hore ee G/banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyadoona wixii intaa ka dambeeyey uu ka hirgalay magaalooyin badan oo dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyihii hore ee G/banaadir ahana xog-hayaha diiwaan-galinta iyo baahinta ee xisbiga UPD oo isagu hormuud u ahaa inta badan Mashruucyada ka hirgalay magaalooyin ka mid ah dalka ee dalkaaga dhiso ayaa maanta waxaa uu mashruuca hal-doollar dalkaaga ku dhiso ka hirgalintiisa magaalada Kismaayo uu kala qeybgalay madaxda Maamulka Gobolka Jubada hoose iyo kan degmada.
Masuuliyiin isugu jiray wasiiro,xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland iyo qeybaha bulshada iyo masuuliyiin kale ayaana goob joog ka ahaa daah-furka mashruucan,soo dhaweyn iyo mahad-celin la xariira mashruucaan u jeediyey gudoomiyihii hore ee g/banaadir ahana xog-hayaha diiwaan-galinta iyo baahinta ee xisbiga UPD Yuusuf Maddaale waxaana ay ballan-qaadeen in mashruucaan uu soo gaarsiiyey ay Kismaayo ka hirgalin-doonaan
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahana xog-hayaha diiwaan-galinta iyo baahinta ee xisbiga UPD  Yuusuf Maddaale ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid horay loo tijaabiyey faaido badanna ay ugu jirto bulshada isagoona kula dar-daarmay inay ka dhabeeyaan hirgalintiisa
Mashruucaan ayaa haddii uu ka hirgalo Kismaayo waxaa ay magaaladu hormar ka sameyneysaa Bilicda,Ganacsiga iyo qeyba kale oo muhiim ah.

Waxaa Warbixintaan inoo haaya:-Iidle Aadan Mohamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here