Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xanuunka Isku-furanka Haweenka (Obstetric Fistula). Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, masuuliyiin ka socday hay’adaha caafimaadka, ururrada bulshada rayidka ah, dhaqaatiir, iyo haween ku waxyeeloobay xanuunkaasi.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.