Magaalada Muqdhisho oo laga daah-furay tababar ku saabsan beerashada casriga ah

0
12
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si rasmi ah ugu daahfuray xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho Tababarka Beerashada Casriga ah, oo ah fursad waxbarasho oo lagu xallinayo caqabadaha ka jira beeraha dalka.
Barnaamijkani oo ay ku tartameen arday gaareysa 776 arday oo 50% ay dumar yihiin ayaa waxaa ku guuleystay ilaa iyo 50 Dhalinyare oo isugu jira Rag iyo dumar Ujeedka barnaamijkan ayaa ah in dhallinyarada ay ku dhiiradan hal-abuurradu iyo Tiknaloojiyada si ay beeraha uga dhigaan kuwa hormarsan, loona helo ganacsiyo laf-dhabar u ah shaqo abuurka iyo koboca dhaqaalaha dalka.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here