Magaalada Kismaayo oo maalintii labaad ay ka socoto gurmadka dadka ay fatahaadu saameysay.

0
365

Kismaayo(Idaacada Waamo)Iyadoo maalintii labaad ay wadadaan dhalinyaro isxilqaantay,ayna hogaaminayaan culimo udiinka magaalada Kismaayo ayaa dadka ku wacyi gelinaya in walaalahood reer Hiiraan u gurmadaan,qof walba waxa uu awoodo uga qeyb qaato,iyagoona goobaha ganacsiga iyo dhamaan wadooyinka wareegayo,kana aruurinayo dadka waxyabaaha ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka.
Qaar ka mid ah dhalinyarada ka qeyb qaadaneyso gurmadka dadka dhibaateysan ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan dhibaatadi dhacday iyo sida ay u wadaan gurmadka.

Sheikh Xasan Isaaq Aadan oo ka mid ah guddiga gurmadka fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeele ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimada is caawinta,iyo halka ay wax u marayaan haatan.

R/W,Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here