Magaalada Kismaayo oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka Qur’aanka Kariimka

0
43
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Mu’asasada Al-irshaad ee magaalada Kismaayo ayaa Masjidka-wayn Jaamicul Kabiir kusoo gunaanadday Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaasi oo ay ka qaybgaleen arday ka kala socotay madaarista Qur’aanka Kariimka lagu barto Quraanka Kariimka ee ku yaalla magaalada.
Munaasabadda xiritaanka Tartanka oo abaalmarinno lagu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha ugu horreeya galay imtixaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah golaha wakiilada Jubbaland ,Culimaa’udiinka magaalada Kismaayo, Odoyaasha dhaqanka iyo waalidiinta dhalay ardayda ardeyda loo qabanayay tartanka.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here