Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xuska Maalinta shaqaalaha adduunka ayaa sanadkasta maanta oo kale 1-da May dunida laga xusaa, magaalada Kismaayo ayaa laguy qabtay munaasabada lagu xusaayey Maalinta shaqaalaha adduunka.
Munaasabada lagu xusaayey Maalinta shaqaalaha adduunka waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan ka socday Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland, Xildhibaano, Agaasimayaal, Gudiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland, Maamulka Gobalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.