Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay Tababar Ku Saabsan Shaqada Gargaarka Bulshada

0
5

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay tababar heer sare ah oo loo diyaariyey saraakiil ka howlgelaya xafiisyada joogtada ah ee caawinta bulshada iyo gargaarka degdegga ah.

Tababarkan oo diiradda lagu saaray xirfadaha adeeg-bixinta, habsami u socodka howlaha, iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, lana hubinayo in shacabka si degdeg ah oo hufan loo gaarsiiyo gargaar marka ay dhacaan xaalado adag.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here