Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay munaasabad looga hadlaayay doorka Dhalinyarada iyo Haweenka ee Nabadda

0
9
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Munaasabad ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, taas oo lagu muujinayay doorka muhiimka ah ee dhalinyarada iyo haweenka ay ku leeyihiin nabadda iyo horumarka deegaannada Jubbaland.
Munaasabaddan oo ahayd mid ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jubbaland, wakiillo ka socday hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa diiradda lagu saaray dhiirrigelinta ka-qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada ee arrimaha siyaasadda, horumarinta bulshada, iyo sugidda.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here