Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay munaasabad lagu dhaarinayay Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta cusub ee Jubbaland

0
27

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu qabtay munaabsadda lagu dhaaarinayay Garsoorka iyo xeer-ilaalinta cusub ee Gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland. munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Maxamed Islaam, Wasiirka Wasaarada Cadalaada Jubbaland, Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland, Xildhibaano iyo bahda Garsoorka Jubbaland. Ugu horeyn madasha waxaa ka hadlay Xeer-ilaaliyaha guud ee Jubbaland Nuur Diin Maxamed Khaliif ayaa waxa uuna ka warbixiyay muhiimada ay munaasabada u leedahay bulshada Jubbaland. Dhanka kale waxaa isna goobta ka hadlay agaasimaha guud ee macadka Tababarka Garsoorka Soomaaliya Axmed Maxamuud Xassan ayaa wuxuu ka hadlay tababarada ay siiyaan garsoorka iyo marxaladihii ay soo mareen garsoorayaasha cusub.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here