Magaalada Kismaayo oo laga daah-furay mashruuca xalka waara

0
114

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowladda Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa daah furay guryaha xalka waara oo laga hirgaliyay deegaanka Luglow ee Waqooyi magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wehelinayaan wasiiro ka tirsan dowladda Jubbaland, Hay’adaha mashruuca guryaha xalka waara ah hirgaliyay iyo Guddoomiya Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa si guud usoo kormeeray guryaha oo dib u dajin loogu sameeyay barakacayaal laga soo kala xulay Kaamamka Waqooyiga magaalada Kismaayo kuwaas oo dhan 138 Qoys.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here