Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waxaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmay munaasabadda Todobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda Kismaayo, taas oo lagu maamuusayo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen ardayda jaamacadda, macallimiin, madaxda gobolka iyo marti sharaf kale, ayaa lagu soo bandhigay dhaqamada kala duwan ee Soomaaliyeed sida ciyaaraha hidaha, dhar-dhaqameedyo, suugaan, iyo cunnooyin dhaqameed.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.