Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xirfada farsamada gacanta ayaa waayadii dambe noqotay mid anfacday dhalinyaro badan oo ka daahay Waxbarashada, kuwo badan oo ka cabanaayey shaqo la`aan maadaama la baraayo xirfad anfici doonto noloshooda iyo walibo tan qoyskooda.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowlad Goboleedka Galmudug Shaacir Shekow Mohamed oo wareysi siyey Idaacada Daar-Dheer ayaa sheegay in wasaaraddu dhawaan magalada Dhuusamareeb ka fureyso Macad farsamada gacanta lagu barayo dhalinyarada reer Galmudug.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.