Madaxweyne Trump oo la geeyey Isbital Militari ka dib markii Qandho lagu arkay

0
323

Washington(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa tagay isbitaalka ciidanka Walter Reed oo ku yaala magaalada Washington DC, saacado ka dib markii Jimcihii laga helay cudur sidaha Corona Virus, waxaana uu diyaarad Helicopter ah ka raacay aqalka cad, si halkaasi lagula socdo xaaladiisa caafimaad.

Dhaqtarka gaarka ah ee Trump ayaa ku taliyey in Trump la siiyo dawooyinka antibody cocktail oo ay farsamaysay shirkadda Regeneron Pharmaceuticals, kuwaas oo ka caawin doona in hanaanka neef mareenkiisu si wanaagsan u shaqeeyo.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa sheegay in calaamada karoonaha ee madaxweynaha ay yihiin kuwo aan darneyn balse iyada oo la tixgalinayo talada dhaqaatiirta uu madaxweynuhu joogi doono Walter Reed halkaas oo uu ku shaqeyn doono xafiis uu ku leeyahay.

Walter Reed oo isbitaal ciidan oo weyn waa halka ay madaxweyne yaasha mareykanka ku maraan baaritaankooda caafimaad ee sanad laha.

Trump waa 74 jir taas oo sii kordhin karta taxadarka dhaqtarkiisa maadaama cudurka karoonaha halis ku yahay dadka waayeelka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here