Madaxweyne Qoorqoor oo xariga ka jaray mashruuc laga hirgaliyey Cadaado

0
23

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xariga ka jaray suuqa cusub ee xoolaha, kaas oo dhawaan la dhisay, kana mid ah mashruuca barwaaqo oo ka socda Galmudug.

Dhinaca kale madaxweyne Qoorqoor, guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhagax dhigay mashruuc ballaaran oo 117-guri oo min laba qol iyo busqul ah loogu dhisayo dadka soo barakacay iyo kuwa ay abaaruhu saaneeyeen.

Mashruucan oo ay fulinayso hay’adda NRC waxaa taageeray UNHCR, isagoo qayb ka ah mashruuca xalalka waara.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa dhagax dhigay Ceel-biyood riig ah oo xaafadaas cusub laga hirgalinayo, kaas oo ay fulinayaan Direct Aid iyo NRC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here