Madaxweyne ku-xigeenka Puntiland oo xadhiga ka jaray Qayb lagu kordhiyay Xabsiga Garawe.

0
298

Garawe(Idaacadda Waamo)Madaxweyne Ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xadhiga ka jaray dhismeyaal Cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay Guryaha Qoysaska Ciidanka Asluubta, waxaana sidoo kale uu xariga ka jiray qaybta dumarka ee Xabsiga Garoowe.

Xadhig jarkan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Aamino Cismaan Xaaji ,Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here