Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland oo shir gudomiyey kulanka Khamiislaha ah

0
237

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubbaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arrimaha Amaanka,Siyaasada, Maareeynta qashinka, iyo qodoba kale.

Waxaa ugu horreeyntii kulanka golaha wasiirada ka hadlay oo kawar bixiyey xaalada
Amniga ee guud ahaan deegaanada Jubbaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii
lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Jubbaland MudaneYuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal
waxa uu sheegay in Jubbaland wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo Amaanka, gaar
ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa guddiyo loo saaray labo arrimood
oo ay si weyn uga doodeen golaha, kuwaas oo kala ahaa, Joojinta xaalufinta kaluumeysiga
sharci darrada ah iyo Kahor tagga Bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo Bilicda
Deegaanka.

Arrimaha abaaraha iyo Biyo yarida ka jirta deegaanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka
Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Mudane Axmed Xuseen Baraki,isagoo sheegay in
deegaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in Jubbaland ay wado biyo
dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here