Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo soo gaaray magaalada Kismaayo

0
79

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Masuuliyiinta uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug hogaaminayay ayaa u yimid magaalada Kismaayo ka qayb galka shirka Xuduudaha oo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland iyo sidoo kale shirarkale oo muhiim u ah labada Dowlad Goboleed.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here