Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadantinimo ee Galmudug

0
10

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha adag ee bani’aadamnimo ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin nololeed oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo codsaday in si dhakhso leh loo gaarsiiyo taageero bani’aadaninimo.

Intii lagu guda jiray kulanka, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, isaga oo xusay fursadaha dhinaca xoolaha ee Galmudug ka jira. Wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo dhismaha warshad casri ah oo lagu qalo, laguna keydiyo hilibka xoolaha, taas oo, sida uu sheegay, wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here