Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo kahadlay Abaaraha Gedo

0
399

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wafdi  uu horkacayay Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo muddo bil ah howlo shaqo ujoogay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta Dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobolka Jubbada Hoose waxaana soo dhaweynta qeyb ka ahaa xubno katirsan labada gole ee dowlada odayaaha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulahada.

Madaxweynaha oo warbahinya kula hadlay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan  ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhammaan mas’uuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu ka hadlay abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Jubbaland isagoona faray Hay’adaha samafalka in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan dadka iyo duunyada  ay abaaruha daran saameeyeen ee kusugan Deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here