Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteriya oo kulan ku yeeshay Asmara.

0
304

Asmara(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada
Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal
ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey
ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu
u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer
Madaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo
wax-wada-qabsiga labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga
mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta
diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo
wafdigiisa.

Madaxweyna Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo muddo laba cisho ah booqanaya dalka Eretriya ayaa lagu wadaa in madaxda dalkasi ku lafa-guraan sidii loo dardargelin lahaa
dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee
labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here