Madaxweyne Puntland oo booqday xarumaha dowlada Jabuuti

0
283

Jabuuti(Idaacada Waamo)Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Jabuuti, ayaa maanta booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla dalkaasi, sida Dekadda Dooraale, Dekadda Damerjoog, Xarunta xargaha qaada Internetka xawaarihiisu dheereeyo “Fibre Optic Cables” iyo aaga ganacsiga xorta ah ee “Jabuuti Free Trade Zone”.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa booqashada xarumahan ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dalka Jabuuti iyo Masuuliyiinta xarumaha uu booqday oo marwalba Madaxweynaha warbixin ka siinayey xarumahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here