Madaxweynayaasha Farmaajo iyo Erdogan oo ka wada hadlay Xakameynta Covid 19

0
294

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Farmaajo ayaa kala hadlay Erdogan sidii looga caawin lahaa Soomaaliya ka hortagga Cudurka Covid 19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here