Madaxweynaha Jubbaland oo maanta ka qeyb galay kulan looga badlayay Abaaraha Dalka

0
119
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa golaha warbixin ka siiyay xaalada amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee Jubaland oo meel Wanaagsan maraya gaar ahaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose.
Wasaarada xanaanada xoolaha ayaa faah faahin ka bixisay xanuuno wakhtiyadii u danbeeyay ay ka cabanayeen dadka xoolo dhaqatada ah oo soo ritay xoolaha nool isla markana ay usii dheertahay abaaraha ka jira dalka.
Wasaarada ayaa soo bandhigtay hanaan wax lagaga qabanayo xanuunadaas isla markana daawayn loogu samaynayo xoolaha kala duwan ee lagu arkay xanuunadan.
Dhinaca kale Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa golaha warbixin ka siisay shaqooyinka Wasaarada ee hortabinta leh wakhtiyada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here