Madaxweynaha Somaliland oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah ee 2025

0
13

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah (21.06.2025) si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8-aad (Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiga Sare) ee Somaliland,tirada Ardayda Imtixaanka u fariisanaysa ayaa ah 40,000 oo Arday kuwaas oo isugu jira fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe.

Munaasibadan oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Madaxweynuhu farriin u diray Ardayda, Macallimiinta, Kormeerayaasha iyo Masuuliyiinta bahda Waxbarashada, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay aasaaska horumarka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Ardayda u fadhiisanaya Imtixaannka Shahaadiga ku ammaanay dedaalkooda iyo adkaysigooda. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa Ardayda ku boorriyey in ay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan Imtixaanka isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here