Madaxweynaha Somaliland oo Aas’aasay Sanduuqa horumarinta Dhalinyarada

0
547

Hargaysa(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-469/022020, uu ku Aas-aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somalilland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada

Markaan Arkay: Qodobbada 90aad, 11aad, 15aad, 16aad, iyo 20aad ee Dastuurka Somaliland;
Markaan Arkay: In dhallinyarada dalku bud-dhig u yihiin dhismaha cududda Qaranka, isla markaana ay muhiim tahay in si mug iyo miisaan leh loo eego duruufaha kala duwan ee ku gadaaman Dhallinyarada;

Markaan Arkay: In dhiiri-gelinta iyo taageerada hal-abuurka iyo curinta dhallinyaradu muhiim u yihiin horumarka iyo dhismaha Somaliland;
Markaan Ku Qancay: In Qaranku baahi weyn u qabo ka faa’iidaysiga maskaxda iyo xooga culayga ah ee dhallinyarada iyo abuurista fursado dhaqaale oo bud-dhig u noqon kara jihaynta xooga dihin ee dhallinyarada;
Markaan La Tashaday:Laamaha Dawladda ee ay khuseyso;
Waxaan soo saaray;

Qodobka 1aad
Aasaaska Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Somaliland
1) Waxa halkan lagu aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah sanduuq dhaqaale oo ka shaqayn doona horumarinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka.

2) Sanduuqu waxa uu yeelan doonaa miisaaniyad u gaar ah oo lagu maalgeliyo ganacsiga iyo xirfadaha hal-abuurka ee Dhallinyarada Dalka, taasi oo lagu siin doono hab dayn ama deeq ahaaneed, kolba sida ay ku habboonaato.

3) Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxa gundhig u ah dhiirrigalinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka, si loo horumariyo maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, isla markaana loo helo dhallinyaro ka fayow qabyaalad, balwado iyo ficillada xun-xun, qayb weyna ka qaadata horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

4) Xarunta guud ee Sanduuqu waxay noqonaysaa Caasimadda Somaliland ee Hargeisa, hasa-yeeshee waxa uu Sanduuqu laamo ku yeelan karaa Gobollada Soomaaliland oo dhan, haddii loo baahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here