Madaxweynaha Namibia oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona dalkaas

0
26

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dalka Namibia Dr.Nangolo Mbumba ayaa  warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Ambassador Maxamed Isaaq Ibraahim oo JFS u fadhin doono dalkaas.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada dalkaasi ayuu Danjire Maxamed Isaaq warqadaha ku guddoonsiiyay madaxweynaha dalkaas.

Danjire Maxamed waxa uu sidoo kale gaarsiiyay salaan uu ka waday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here