Madaxweynaha Koonufr-galbeed oo Gudi u saaray Dagaal Beeleedka Walanweyn

0
365

Baydhabo(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Walanweyn,isaga oo si caro leh uga hadley.

‪”Inaalillaahi wa inaa illaahi raajicuun, waxaan aad u cambaaraynayaa ficilada aadka uxun ee ka dhacay Wanlaweyn, waa ficillo Islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog Allana uusan raalli ka ahayn. ayuu yiri”laftagareen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay inay sharciga horkeeni doonaan dadkii ka dambeeyey falkii foosha xumaa ee ka dhacay degmada Walanweyn.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in uu guddi u Magacaabi doono,kuwaas oo kala dhex-galaya maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamaya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

‪”Waxaan u xilsaari doonaa guddi kashaqeeyo dhacdadaan si deg deg ah u kala dhex galo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.‬ sidoo kale waxaa amar buuxo farayaa dhamaan hayadaha amniga kusugan Degmada in ay kala dhaxgalaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here