Madaxweynaha Jubbaland oo Xariga ka Jaray Dhismayaal Cusub oo ay Dhawr Wasaaradood ku Shaqeyn Doonaan

0
584

Kismaayo(Waamo Radio)Madaxweynaha dowladd goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga ka jaray dhismayaal cusub oo loo dhisay qaar mid ah Wasaaradaha Jubbaland waana qayb kamid ah qorshaha horumarinta iyo baahinta nidaamka dowladnimo ee Jubbaland.

Dhismayaashan ayaa loo dhisay loona qalabeeyay qaab casri ah waxaana ay noqon doonaan xarumo adeeg bixiyayaal ah oo Wasaaraddhu shaqeyn doonaan ay shacabka waxaana ay kahelayaan waxqab ay sugayeen.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xoogga saartay dib u dhiska iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha si shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland is kugu tashadaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa faray dhammaan Hay’adaha dowladda in ay la yimaadan hannaan horseedi kara mamul dadajinta awoodsiinta shacabka iyo dhismaha Hay’adaha dowliga ah.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa horumar balaaran gaartay mudadii ay jirtay waxaana la dhisay inta badan xarumihii danta guud sidoo kale waxaa dib gacanta dowladda loogu soo celiyay xarumihii dowladii dhexe oo gacanta shakhsiyaad ku jirtay Jubbaland ka hor.

Kadib markii xarigga laga  jaray dhismayaal  loogu talagalay inay ku shaqeeyaan qaar kamida Wasaaradaha Jubbaland  ayaa guriga nabadda ee magaalada kismaayo waxaa lagu qabtay munaasabad mahadcelin iyo dhiiri galin isugu jirtay oo abaalmarinno lagu guddoonsiinayay hay’adihii fuliyay dhismayaashan loo dhisay qaabka casriga ah.

Intii ay socotay munaasbadda ayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxaa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay qaar kamida Mas`uuliyiinta Hay’adaha fuliyay dhismayashaani.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horeyn u mahadceliyay cid walbo oo mashruca ka qayb gashay waxaana  uu kula dardaarmay Hay’adaha ku shaqeyn doono dhismayaashan in ay ilaaliyaan oo ay ugu adeegaan shacabka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay horumar walba oo la gaaray ay sabab u tahay amniga buuxa iyo kala dambeynta ka jirta jubbaland Xaligaan.

Hoos ka dhageyso Codka madaxweynaha Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here