Madaxweynaha Jubbaland oo wasaaradda haweenka, xuuqul insaanka iyo Arimaha Qoysyska Jubbaland.

0
331

Kismaayo(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuuqul insaanka ee Jubbaland ka dhageystey warbixinta sanadlaha ee waxqabadkooda sanadkan 2019.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Marwo Qamar Deeq Khaliif iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa soo bandhigey waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomey sanadkan

Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyey wasaaradda adeega ay u hayaan bulshada kuna dhiiri galiyey waxqabadkooda iyo sidii ay usii labo jibaari lahaayeen dadaalkooda si qofkasta oo reer Jubbaland ah u gaaro adeega Dowladu, Madaxweyna ayaa sidookale ballan qaadey xallinta caqabadaha ku gadaaman fulinta adeegyada bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa sidookale sheegay in xukuumadiisu 4ta sano ee soo socota xooga saari doonto sidii ay haweenku xuquuqdooda dastuuriga ah u heli lahaayeen ugana dhex muuqan lahaayeen shaqooyinka dowliga ah.

R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here