Madaxweynaha Jubbaland oo maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada.

0
426

Kismaayo(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada amaanka iyo Xaalada Ciidamada ku sugan furimaha isagoo xusay in ay hayaan shaqo adag oo ay dadka shacabka ah kaga badbaadinayaan Argagixisada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen khasaare adag lagu gaarsiiyay Argagixisada iyadoo meelaha qaara Ciidamadu ay kala wareegeen.

Wasaarada Beeraha ayaa ka warbixisay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland oo uu soo gaadhay Ayaxa ku habsaday qaybo badan oo kamid ah dalka waxaana Wasaaradu ay sheegtay in 20km uu ku habsaday iyadoo meelaha Jubbaland kamid ka ah ee ilaa hada lagu arkay ay tahay Degmada Beledxaawo iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in dadaal loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa.

Wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiskuna waxaa ay ka warbixisay shir lagaga hadlayay cimilada sii xumanaysa iyo isbadalada ka dhashay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in go’aamada iyo talooyinka shirkaas kasoo baxay ay yihiin kuwo wax badan ka tari kara isbadalka cimilada iyo sidii saamaynteeda loo yarayn lahaa.

Wasaarada Dhalinyaradana waxaa ay warbixin ka bixisay Shir lagaga hadlayay shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho si loo yareeyo tahriibka iyo falalka ka dhasha marka dhalinyaradu ay shaqo la’aan ku dhacdo si aan looga faa’iidaysan figradaha cagjirka iyo mukhaadaraadka.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here