Kismaayo(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan Afur ugu sameeyay Aqalka Martida Jubbaland Madaxdii Isbadalka Jubbaland iyo taageerayaashoodi,kulankaan oo ahaa mid dib u heshiisiin ah ayaa waxaa ka qeyb galay,Madaxweynaha Jubbaland,Madaxweyne ku xigeenkiisa koowaad,Gudoonka Golihii Isbadal-doonka,iyo Mas’uuliyiin kale.
Kulanka ayaa waxaa Khudbado ka jeediyay intii uu socday dhamaan Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka.