Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Iyadoo dhibaatooyin badan laga dhaxlay Colaadihii dalka ka jiray,islamarkaasna ay sababeen burbur xooggan iyo barakac ayaa waxaa jira weli dadka Soomaaliyeed ay ka soo kabanayaan colaadihii ka dhacay wadanka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka hadlayay munaasabadda Koowda Luulyo ayaa dhicacyada ku dagaalamaya Laascood ugu baaqay in aysan xabad xal aheyn,islamarkaasna Nabadda laga shaqeeyo.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli weli aan wax xal ah laga gaarin colaadii ka taagnyd Laascaanood,iyadoo ay isa soo tarayeen mudooyinkii u dambeeyay baaqyada kala duwan ee Madaxda dalka ee ku aadanaa in la joojiyo dhiiga daanaya.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.