Madaxweynaha Jubbaland oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Wasiirki Waxbarashada Jubbaland

0
354

Kismaayo(Idaacadda Waamo) Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland,oo xalay fiidkii ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu mudooyinkii u dambeeyay arimo caafimaad uu u joogay.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu Janatul Fardowsa geeyo,Qoyskiisa iyo Umada reer Jubbaland Ilaahay Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa xusay in uu door muuqda ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka reer Jubbaland,islamarkaasna howshii wanaagsaneyd ee uu waday ay sii wadi doonaan oo aysan halkaas uga hari doonaanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here