Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb galay Munaasabad lagu wareejinayay Calafka Xoolaha

0
59

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qayb galay munaasbaad kooban oo lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha ayaa sheegay in agabkani uu wax weyn ka tari doono horumarinta iyo helidda calaf ku filan xoolaha deegaanka.

Mashruucan oo lagu magacaabo RAAISE PROJECT ayaa waxaa maalgelinaysa Midawga Yurub iyada oo ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adda FAO iyo Waasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubaland, ayaa xoogga saaraysa sare u qaadista Wax soo saarka Dalka ee ILED (Inclusive Locol Economic Development), waxaana looga golleeyahay in xoolaha ku nool Jubaland ay helaan daaq ku filan, maadaama ay saameyn ku yeelatay dhulkii daaqa ku haboonaa isbeddelka cimillada adduunka.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here