Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada hoose ayaa waxaa maanta dib ugu soo laabtay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxammed Islaam,Madaxweynaha oo ku dhawaad muddo 2 bilood ah ku maqnaa dalka Kenya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka iyo Mas’uuliyiin.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.