Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtay Kismaayo

0
145

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland kadib Safar Shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland ayaa Magaalada Muqdisho kaga soo qeybgalay shirka madasha wadatashiga Qaranka oo lagaga gaaray go’aamo wax ku ool ah arimaha Amniga, Siyaasada oo ay kamid yihiin in dalka uu aado doorashooyin dadweyne dabayaaqada sanadka soo socda.

Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here