Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxa uu cafis Balaaran u fidiyey 28- kamid ah Maxaabiistii ku xirneyd xabsiyada magaalada Kismaayo bisha barakeysan ee Ramadaan Awgeed.
Maxaabiista cafiska loo Fidiyey ayaa horey u galay dambiyo kala duwan kuwaas oo fadliga bisha ramadaan Awgeed loogu fidiyey Cafis.
Cowke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.