Madaxweynaha Jubbaland ayaa manta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

0
97
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.
Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiinta Madaxtooyada ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka. Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaaloobay masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada Adduunka.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here