Madaxweynaha Jubaland oo maanta Qaabilay Wafdi ka socdo Beesha Caalamka

0
222

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here