Madaxweynaha JFS oo Maanta Nairobi uga qaybgalaya Shirka Madaxweynayaasha Afrika & Bangiga Adduunka

0
32

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta ka qaybgalaya Shirka Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Adduunka ee IDA21.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo arrimaha quseeyo shirka oo sida gaarka u taabanaya dhinaca Soomaaliya.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa inta uu socdo ‘Horumarinta & Maalgashiga Qaaradda Afrika si loo xoojiyo iyada oo la marayo Mashaariic horumarineed oo wayn waxaana la is dhaafsan doonnaa aragtida lagu dhalin karo hadafkaas.

Soomaaliya ayaa madasha waxa ay tagaysaa iyada oo dhammaadkii sanadkii tagay 2023 laga cafiyay dayntii waqtiga dheer saarnayd ee marna magaalo loo fadhiisanayay si loo hubiyo in ay kasoo baxday shuruudaha la hordhigay si dayntaas looga dhaafo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here