Madaxweynaha JFS oo gaaray Baladweyn Oo Sheegay In Wax laga qabanayo Fatahaadaha.

0
353

Muqdisho(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay soo laab laabteen fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan,isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya,iyada oo la kaashaneysa Dowladaha deriska ah inay la imaaneyso qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga maadaama dibaatooyin farabadan ay ka dhashaan.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay noqdaan kuwa is cafiya sidoo kalena is caawiya.
Codka Madaxwayne Farmaajo
Madaxweynaha ayaa waxaa uu booqday Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen kadib fatahaada Wabiga.

R/W/Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here