Madaxweynaha Soomaaliya oo Baqdaad uga qeyb-galaya meertada 34-aad Shirka Jaamacadda Carabta

0
9

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda.

Madaxwaynuhu Dowladda ayaa shirka ku soo bandhigi doono Howlgalada dalka ka socda iyo sidii Loo xoreeyn lahaa deegaanada ka maqan gacanta Dowladda

Madaxweynaha DFS Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo magaalada Baqdaad kulan duceedyo la qaadan doona madaxda ka soo qeyb-gelaysa meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here