Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maanta daah furey Shirka wadatashiga dastuurka cutub yada 1-9 dastuurka KMG Ah

0
417
Kismaayo(Waamo Radio)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah furay shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.
Shirkan waxaa kasoo qayb galay xubno matalayey Dowlad Goboleedyada dalka,  Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada howshan ku lugta leh.
Wasiir Kuxigenka Wasaarada Dastuurka DFS  Dr Xuseen Cabdi Cilmi iyo Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista Dastuurka Aqalka Sare ee Dalka Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Ayaa sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo ay kulan noocaan ah yeeshaan gudiyada hay’daha dastuurka Dowlada Dhaxe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Goboleedyada dalka.
kulan kan looga hadlayey Dib u eegista Dastuurka waxaa kaga qayb galay oo hadalo kasoo jeediyey halkaa Wasiir Dowlaha Madaxtooyada ee Arimaha  Dastuurka Puntland  Salah Xabiib Jama Gudoomiye kuxigeenka Barlamanka Puntland Abuukaate Abdiasis Abdulahi Osman.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo gunaanadka kulanka hadalo ka jeediyey ayaa sheegay in khilaafka la xiriira awoodaha uu jirayo inta Dastuurka dalku uu qabyada yahay in la dhamaystirana ay lagama maarman tahay.
Warbixintaan inoo soo jeedinaya,Iidle Aadan Mohamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here