Madaxweynaha Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

0
231

Garowe(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  oo axad ah furay Kal-fadhiga 47-aad ee golaha wakiillada Dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay Amniga, Arrimaha Gudaha iyo dimuquraadiyad, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada tayeynta adeegyada iyo horumarinta kaabayaasha.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here