Madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo shir guddoomiyey Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirrada

0
154
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxwayne Ku Xigeenka Koowaad ee Dowladda Jubbaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan  ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirrada Jubbaland waxaana Shirka lagu gorfeeyey Arrimo kala duwan oo la xidhiidha Xaaladaha dalka Gaar ahaan Doorashooyinka.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Jubbaland  ah ayaa sidoo kale shirka intii uu socday soo bandhigtay warbixinta Qorshaha xalka waara iyo tababar loo fidiyey 20 Wasaaradood.
Intii uu shirka socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland ayaa Iyana soo bandhigtay Warbixinta fulinta amarkii ay dhawaan soo saartay Wasaaraddu ee la xiriiray joojinta bacaha balaastigga ah, ayaa  furay in  la adkeeyey  amarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here