Madaxwayne Farmaajo oo ku baaqay in laga ducaysto Coronavirus

0
239

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan.

Halkan ka dhagayso Codka Madaxwaynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here