Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay isticmaalka maandooriyaha nuucyadiisa kale duwan oo waayadii ku soo badanaya dalka.
Isticmaalka muuqaadaraadka ama Maandooriyaha ayaa waxa lagala kulmaa dhibaatooyin caafimaad iyada oo uu sidoo kale lid ku yahay amniga dalka.