Madaxwaynaha Jubbaland oo ka qayb galay Munaasabad qalin Jabin ah oo lagu qabtay Kismaayo.

0
598

Kismaayo(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybagalay munaasabada qalin jabinta dufcada tobnaad ee jaamacada Kismaayo iyadoo ay maanta ahayd qalin jabinta arday dadaalkooda waxbarasho soo waday sanadahii lasoo dhaafay.

Munaasabada  oo ah mid looso agaasimay si heersare ah ayna kasoo qeyb galeen Masuuliyiin uu ogu horeeyo madaxweynaha dowlad goboledka jubbaland xubno katisan labada gole ee Dowlada iyo bahda waxbarshaad Ee Degmada kismaayo.

Tirada Ardaydan oo ahayd 97 waxaa xusid mudan in 37 kamid ah ay ahayeen Gabdho waxaana ay tani cadayn u tahay sida gabdhaha Soomaaliyeed ay uga muuqdaan doorka ay ku leeyahiin Waxbarashada iyo tacliinta dalka.

Iidle Aadan Maxamed ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here