Madax ka tirsan dowladda oo Muqdisho ka furay aqoon isweydaarsi ku saabsan tiirka arrimaha bulshada

0
33

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon Isweydaarsiga tiirka arrimaha Bulshada iyo kobaca karaanka Aadanaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).

Aqoon isweydaarsigan, oo socon doona muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeyn doono jaangoynta qeybaha uu ka koobnaan doono Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Kobaca Karaanka Aadanaha.

Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha mudane Kamaal Guutaale oo furitaanka munaasabadda hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Aqoon isweydaarsigan muddada uu socdo lagu gorfeyn doono sidii shacabka soomaaliyeed looga haqabtiri lahaa adeegyada waxbarasho, caafimaad, shaqo abuurka, horumarinta dhallinyarada, Haweenka iyo dhamaan arrimaha horutabinta u leh horumarinta arrimaha Bulshada.

Dhanka kale, waxaa maanta la soo gaba-gabeeyay shir labo maalmood ah oo loogu talagalay daadihiyayaasha Ardaaga Tiirka horumarinta dhaqaalaha ee Qorshaha Isbeddelka Qaran (2025 – 2029).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here